fbpx

Waad salaaman tahay,

Waxaan dooneynaa inaan kuu sheegno waxyaabo noo wada fiican si uusan noogu dhex faafin korona faayrus ama COVID-19. Waa in aan sameyno waxyaabaha soo socda si aan ugu dedaalno caafimaadka dadka guriga deggan iyo shaqaalaha.

  1. Shaqaalaha nadaafadda waxay sii wadi doonaan isticmaalidda agabka jeermiska lagu dilo ee lagu nadaafiyo meelaha dadka ka dhaxeeya. Waxa la nadiifinayo waa meelaha la qabto albaabbada iyo meelaha la qabsado ee darbiyada jaranjararada. Hase yeeshee waa in la xusuusto in uu qof xanuunsan taaban karo meelaha dadka ka dhaxeeya ka dib marka la nadiifiyo.
  2. Waxaa ilaa amar dambe la joojinayaa dhammaan kulankii dadka guryaha deggan ee ay qaban jirtay Aeon. Waxaan idin kula talineynaa in la yareeyo dadka booqashada ah. Dadka oo kala fogaada ayaa lagu xakameyn karaa inuu faaruskan faafo.
  3. Fadlan la soo xiriir Aeon haddii lagaa helo xanuunka COVID-19, ama haddii aad wada joogteen qof xanuunka laga helay. Waxaad noogu soo sheegi kartaa barnaamijka intarnetka ee MyHome: soo garaac ama farriin noogu soo dir 612-326-3855 ama myhome@aeon.org.
  4. Talooyinka la isaga dhowro xanuunkan ayaan idiinku dheggan goobaha ogeysiisyada ee guriga. Fadlan raac talooyinkaas. Mar kasta dhaq gacmahaaga, oo joog guriga haddii aad xanuunsato.

Haddii aad wax su’aalo ah qabto, fadlan soo garaac ama farriin noogu soo dir 612-326-3855 ama myhome@aeon.org.

-Maamulka Aeon