fbpx

Waad salaaman tahay,

Waxaan rabnaa inaan kuu sheegno waxyaabo khasab nagu ah si aan uga hortagno in uu nagu faafo faayruska korona (COVID-19 ama coronavirus). Waxyaabahaasi waa kuwa la jaan qaadi kara kala-fogaanshaha dadweynaha sida ay ku talisay CDC.

  1. Laga bilaabo maanta, shaqaalaha dayactirka waxa keliya oo ay qaban karaan waa codsiyada degdegga ah ee guryaha gudahooda. Fadlan dib u dhigo oo ha u soo sheegin xafiiska wax dayactir ah oo aad sugi karto ilaa aan ka baxno xaaladda degdegga ah ee uu gobolka oo dhan hadda ku jiro.
  2. Qolalka shirarka iyo goobaha dadka ka dhaxeeya waa la xirayaa illaa amar dambe. Labandaayada ama qolka dharka lagu dhaqdo waa la furayaa. Waxaa la baajinayaa wixii kulan ah oo ay Aeon qaban lahayd oo dhan. Munaasabadaha la isugu imaado oo dhan waa in hadda la iska baajiyo. Waxa kale oo aan idinka codsaneynaa inaad aad iyo aad u yareysaan dadka idin soo booqanaya.
  3. Saacadaha xafiiska waxa ay ku koobnaan doonaan wakhtiyada kala. Haddii aad wax nooga baahan tahay, fadlan soo garaac taleefanka xafiiska ee ama farriin noogu soo dir boostada intarnetka ee  laakiin xafiiska ha noogu imaan. Waxaad sidoo kale farriin noogu soo diri kartaa barnaamijyada intarnetka ee Rent Café ama MyHome.
  4. Wakhtiga xaadirka ah xafiisku ma qaban doono baakadaha ay boostadu u keento. Baakadaha hadda xafiiska yaalla guryihii iyo dadkii loo keenay ayaan u keeneynaa. Fadlan u sheeg meelaha aad alaabta ama baakadaha ka sugeyso in ay si toos ah adiga kuugu keenaan gurigaaga ama meelo kale.
  5. Fadlan u soo sheeg Aeon haddii ay dhacdo in lagaa helo xanuunka faafa ee COVID-19, ama xataa haddii qof aad la kulantay xanuunkan laga helo. Waxaad nagula soo xiriiri kartaa barnaamijka MyHome: soo garaac ama farriin qoran noogu soo dir 612-326-3855 ama myhome@aeon.org.

Haddii aad wax su’aalo ah noo qabto, fadlan soo garaac ama farriin qoran noogu soo dir 612-326-3855 ama myhome@aeon.org.


-Maamulka Aeon